Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Dhulgariir waa Dhulka marka oo luxluxmo ama uu gariiro, waa marka caleemaha Dhulka kala durqaayaan. Dhulgariirka khasaarado badan ayuu geestaa, wuxuuna u badan yahay Aasiya iyo Ameerika. Dhulgariirka wuxuu sameeyaa fulkaano iyo Buuro. Soomaaliya dhulgariir culus malahan, laakiin mar marka qaar ayaa waxaa dhulgariir ka dhacaa waqooyiga Soomaaliya oo dhan meelaha buuraaleeyda ah, dhulgariirka soomaaliya badanaa mala dareemo, lakiin waxaa jira kuwo la dareemaayo oo ka dhaca sida gobolka Awdal Bishii Maarso 2010 ayaa magaalada Boorama waxaa lagu arkay dhulgariir oo halkaas kadhacay oo khasaaro badan geesanin lama hayao ilaa iyo hadda cabirkiisa maxaa yeelay soomaaliya ka jirin dawlad dhexe oo haysata qalabka cabirka dhul gariirada. Soomaaliya waxeey leedahay caleemaha dhulka ama af ingriiska lagu dhaho (tectonic plate), kaas oo lagu magacaabo (somali plate).
Dhulgariirkii ugu culusaa wuxuu ka dhacday Badweynta Hindiya 2004 Tsunami Badgariir. waxaana ku dhintay in ka badan 180.000, waxaana ku guryo beelay 1.1 miliyan oo dad ah. Soomaaliya waxaa kasoo gaaray qasaaro farabadan kaasoo dhica walba saameeyey haba ugu darnaadeene haamanka sunta ah ee badda lagu daadshay oo banaanka usoo caariyey. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...
- ... in Duqsigu (Sawirka) yahay cayayaan yar oo leh hal lammaane baal ah oo duula?
- ... in duqsigu uu leeyahay madax dhaqdhaqaaq badan iyo indho ka kooban kumanaan muraayado yaryar si uu u arko dhaqdhaqaaqa?
- ... in magaca Diptera uu ka yimaado eray Griig ah oo micnihiisu yahay labo baal taas oo tilmaamaysa qaabka baalasha duqsiga?
- ... in duqsigu qaarkood ay sababi karaan cuduro sabab la xiriira inay yihiin qaadayaal cudurada?
- ... in duqsigu uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro deegaanka sida caawinta ubaxyada inay bacrimaan iyo burburinta maaddooyinka dabiiciga ah?
- ... in duqsigu uu leeyahay noocyo badan sida duqsiga guriga, duqsiga miraha, iyo duqsiga ?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Farta Boorama (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.
Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaas. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Af-Soomaali waa luqad Afro-Aasiyatik ah oo ay leedahay laanta Kushiitik . Waxay afka hooyo u tahay Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliweyn iyo qurbo joogta Soomaaliyeed. Afka Soomaaliga waa afka rasmiga ee Soomaaliya Afka Soomaaliga waxaa ku hadla Soomaalida ku nool dalka Soomaaliya , Jabuuti , Itoobiya , Yemen , Kenya , iyo qurba joogta Soomaalida . Waxaa sidoo kale ku hadlo dad tiro yar oo ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ee ku sugan agagaarkaas Laga soo bilaabo 2016, waxaa jiray dad gaaraayo ku dhawaad 36.6 milyan oo qof oo ku hadla af soomaaliga, oo kala degan dhulka soomaali wayn, taas oo ku dhawaad 15 milyan ay ku noolyihiin Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Busbus .
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















